Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka ugu horaysay tan iyo 1994 Ciidamo usoo diray Somaliya
    Somalia

    Maraykanka ugu horaysay tan iyo 1994 Ciidamo usoo diray Somaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Maraykanka ayaa ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan tababaridda ciidamada dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

    Waa markii ugu horraysay oo uu Maraykanka ciidamo caadi ah u diro Soomaaliya tan iyo 1994-kii, inkastoo ciidamo kooban oo ah kuwa la dagaalanka argigixisada ay dalka ku sugnaayeen.

    Warka ku saabsan in ciidanka Maraykanka loo diray Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhammaadkii bishii hore uu madaxweyne Donald Trump uu wax ka badalay qaabka hawlgalka ciidamada ka hortaga argigixisada.

    Trump ayaa waxa uu saxiixay amar cusub oo ciidanka Maraykanka u oggolaanayo in ay si toos ah uga qeyb qaadan karaan dagaalka lagula jiro waxa loogu yeeray argigixisada.

    Sida laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah, ciidammada Maraykanka oo lagu sheegay in ay gaarayeen daraasiin ayaa gaaray Muqdisho 2-dii bishan April, waxaana ciidamadaasi codsaday baa la yiri dowladda Soomaaliya.

    Waxa la filayaa in ciidamada Maraykanka ay tababaro siiyaan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee ka hawlgalaya Soomaaliya.

    Dhowr dal oo kale sida UK iyo Turkiga ayaa tababar siinaya ciidammada Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.