Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Roobdoon iyo Xadradda Xerta.WQ.Maxamed Xasan ”Alto”
    Somalia

    Roobdoon iyo Xadradda Xerta.WQ.Maxamed Xasan ”Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Roobdoon iyo Xadradda Xerta

    [Sheeko Gaaban]

     

    Tuulada Jawaarey, u dhexeeysa degmooyinka Baardheere iyo Saakow, ayaan muddo laba iyo toban bilood (sannad) ah dhibic roob ah ka di’innin. Waxaa rayidkii goobtaas ku noolaa ku dhacay biyo la’aan, dallaggii beeraha oo ka xumaaday iyo xoolihii oo waayay baad ay daaqaan. Dadkii deegaanka deggannaa, intoodii badnayd, waxay u yaaceen xagga tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhow-dhowaa.

     

    Maalin maalmaha ka mid ah, niman xer Saalixiya ah oo lugeeynayay, tuulada Daarasalaan oo ka tirsan degmada Baardheere ka yimid, oo magaalada Kismaayo ku sii socdaal ah, goor cadceeddu sii dhacaysay, ayaa tuulada Jawaarey u soo martiyey. Kolkii hore xertii waxay ku horreeyeen masaajidka tuulada oo maqribkii iyo cishihii ku tukadeen. Hayeeshee, cid ‘garoortiin waa meeqa?’ tiraahda ayay waayeen. Fiidkii bay baxeen oo bartamaha tuulada xadro la istaageen. Misana cid u juuqa ayay waayeen.

     

    Masaajidkii ayay dib ugu laabteen. Habeenkii gaajadoodii bay ku seexdeen. Aroortii kolkii salaaddii subax ay jameecada la tukadeen ayay siday wax u jiraan dadkii masaajidka ku cibaadaysanayay xogwaraysteen. Waxay uga warrameen xaaladdooda iyo martisoorid la’aanta heshey. Waxaa loo sheegey in tuuladu ay abaar ba’ani ka jirto oo dadweynuhu baad, biyo iyo xoolo ku filan ayan haysannin, sidaas darteedna martisooriddu ay ku adagtahay.

     

    Baardheere, Daarasalaan, Kor-u-bood, Kudug, Gaagguure ilaa Saakow, iyo guud ahaan aaggii Jawaarey u dhowaa, roob wacani ayaa ka da’ay. Hase ahaatee, iyadu muddo aad u dheer ayan dhibic roob ah ku hoorinnin.

     

    Culimmadii Saalixiyada ahayd ee reer Daarasalaan waxay go’aansadeen in ay roobdoon sameeyaan. Dadkii ayay goob bannaan oo taag ah oo tuulada ka durugsan isugu yeedheen.

     

    Wadaaddadii qasiidooyin roobdoon ah oo qiiro leh oo cod macaan lagu qaaday ayay ku dhufteen. Caddad aad u tiro badan, leh rag iyo dumar, yar iyo weyn, ayaa bartii isugu yimid, iyagoo qofba wuxuu kari karay oo raashin ah keeney. Midi garow meseggo moordi ah bay siddey, mid dhiil caano ah buu sidey, mid muufo ayuu sidey, midi saliid bay siddey, mid biyo buu sidey, iwm.

     

    Saacado kaddib waxaa tuulada Jawaarey soo dulhogatay daruuro wata dhibco waaweyn oo roob ah. Dhowr saacadood oo aan kala go’ lahayn ayuu da’ayay. Bartaas ayaa dadkii ku qabowsaday oo Raxmaddii Eebbe ku heleen.

     

     

    Wixii rag u kaco Rabbina aqbalo waa rumoobaan

     

     

    Maxamed Xasan ”Alto”

    Helsinki, Finland, 19.07.2014

    xasan_maxamed@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.