Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Farmaajo loo sheegay in uusan u hanqal taagin soo magaacabida RW aan Abgaal ahayn
    Somalia

    Video:-Farmaajo loo sheegay in uusan u hanqal taagin soo magaacabida RW aan Abgaal ahayn

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    farmaajo ayaa ku mashquulsan soo xulashada Rw ay isla jaanqaadi karaan, Madaxweynaha ayaa Isbaarada adag ee hortaala ay tahay, in uusan soo dooran karin qof walba  ama beel walba, kaliya uu dooran karo nin ka soo jeeda beesha Hawiye, markii la eego ama la tixgaliyo nidaamka  4.5 ee  awood qaybsiga dalka.

    Beesha Abgaal ayaa iyadu waxay aaminsan tahay in ay xaq u leedahay Rw marka laga dhex hadlayo Hawiye dhexdiisa,madaama ay iyagu yihiin Beesha ugu badan ee degta caasimada,isla markaana ugu tiro badan Beesha hawiye oo aan xataa  maamul goboleedyada Dalka ka jira aan midna madax ka ahayn.

    Beesha Habar Gidir ayaa iyana qabta in markan uu doorkeeda yahay oo ay iyadu xaq u leedahay kursigaas,madaama Abgaal ay soo qabteen kursiga Dalka ugu sareeya dhawrkii sano ee u danbeeyay.aragtidaas waxay taageero uga haysataa beelaha kale ee hawiye oo aysan ku jirin Beesha Abgaal.

    Waxaa jira iyaguna kooxo kale oo ku wareegsan Madaxweyne farmaajo oo qaba in markan isbadalka laga dhabeeyo oo la gaarsiiyo in kursiga Rw aan lasiin Hawiye lagana soo xusho beelaha kale ee aan ahayn Hawiye ama Daarood,balse waxa kuwaas fikradooda diidan koox kale oo iyaguna talada Farmaajo qayb ka noqday maalmahan,kuwaasoo qaba in aan layska idho tiri karin  awood qaybsiga iyo muhiimada beesha Hawiye waliba Beesha Abgaal,,hoos ka daawo muuqaalka CCTV ka diyaariayya arintaas.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.