Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo iyo Juxaa oo kulan la qaatay waftigii Madaxweyne Shaakir ee Gobolada dhexe
    Somalia

    Farmaajo iyo Juxaa oo kulan la qaatay waftigii Madaxweyne Shaakir ee Gobolada dhexe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

    Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.

    Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.

    Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlusuna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

    30-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlusuna qeyb ka noqon doonto doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.