Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2017Updated:February 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waraabe Walamsade

    Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo.

    Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba ma deeqaan. Hankiisii sii durug, wuxuu ku dhawaaqay oo furtay urur magaciisa la yidhaahdo “Weedha Waraabaha” oo kolka la soo gaabiyo loo yaqaan “WeeWar”. Halkudheggiisu: “WeeWar waa ururka duurjoogta waddaniga ah. Waa waadi iyo webi-u-jeexaha duurjoogta. Waa biyo iyo baad siiyaha duurjoogta. Waa doojiyaha duurjoogta. Waa harraad bi’iyaha duurjoogta.”

    Wuxuu xilligu sii durkaba, waxay indhasarcaadintiisu sii socotaba, waxaa timid oo la soo gaadhay waqti durjoogtu hoggaamiye iska dhex xuli lahayd oo dooran lahayd. Wax-ma-hambeeye wuxuu iskula faqay in uu fursaddaa ka faa’ideeysto oo xilka isu soo taago. Halkii ayuu tartankii ka qaybgalay.

    Wuxuu Wax-ma-hambeeye kolkiiba qaatay oo garabka surtay gal rifmey oo kitaabkii dhurwaayada ku dhex jiro iyo durbaan. Halkii buu abaabul iyo olole, wacyigelin iyo farriin gudbin galay, si isaga loo doorto. Ugu dambeeyntii ku guulaysay oo guddoomiyennimadii loo dooray. Wixii WeeWar taabacsanaa ayaa soo garab istaagay oo hiil u noqday.

    Kursiga hoggaanka goortuu ku fadhiistey, Wax-ma-hambeeye wuxuu la yimid werdi ay xeeladi daba taal, oo duurjoogtii intuu kun wadiiqo kala baxay ayuu fekreddii ahayd “qaybi oo xukun” la dhexgalay. Biyahoodii, baadkoodii, baradoodii, buurahoodii iyo bacaadkoodii buu boqollaal shilin siistey. Dukun daakun ayuu dhulkii ka dhigey. Xoolihii warmo iyo fallaadho ayuu isugu dhiibey oo ay isku laayeen.

    Xilligiisii goortuu dhammaaday ayaa Wax-ma-hambeeye damcay in uu mar kale hoggaaminta duurjoogta isu taago, xoolihii baase codsigiisii diidey oo ku gacmasaydhay.

    Wax-ma-hambeeye, Waraabe Walamsade, afar sano iyo afar bilood duurjoogtii uu ku-amar-kutaagleeynayay, boobayay, beenta u sheegayay ayaa barqo cad bannaanka u tuurtay.

    Waa tii hore loo yidhi: “Booli qaran ruuxna kuma badhaadho oo kuma badbaado”.

    Gobaad Cumar Guuleed

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.