Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2017Updated:February 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waraabe Walamsade

    Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo.

    Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba ma deeqaan. Hankiisii sii durug, wuxuu ku dhawaaqay oo furtay urur magaciisa la yidhaahdo “Weedha Waraabaha” oo kolka la soo gaabiyo loo yaqaan “WeeWar”. Halkudheggiisu: “WeeWar waa ururka duurjoogta waddaniga ah. Waa waadi iyo webi-u-jeexaha duurjoogta. Waa biyo iyo baad siiyaha duurjoogta. Waa doojiyaha duurjoogta. Waa harraad bi’iyaha duurjoogta.”

    Wuxuu xilligu sii durkaba, waxay indhasarcaadintiisu sii socotaba, waxaa timid oo la soo gaadhay waqti durjoogtu hoggaamiye iska dhex xuli lahayd oo dooran lahayd. Wax-ma-hambeeye wuxuu iskula faqay in uu fursaddaa ka faa’ideeysto oo xilka isu soo taago. Halkii ayuu tartankii ka qaybgalay.

    Wuxuu Wax-ma-hambeeye kolkiiba qaatay oo garabka surtay gal rifmey oo kitaabkii dhurwaayada ku dhex jiro iyo durbaan. Halkii buu abaabul iyo olole, wacyigelin iyo farriin gudbin galay, si isaga loo doorto. Ugu dambeeyntii ku guulaysay oo guddoomiyennimadii loo dooray. Wixii WeeWar taabacsanaa ayaa soo garab istaagay oo hiil u noqday.

    Kursiga hoggaanka goortuu ku fadhiistey, Wax-ma-hambeeye wuxuu la yimid werdi ay xeeladi daba taal, oo duurjoogtii intuu kun wadiiqo kala baxay ayuu fekreddii ahayd “qaybi oo xukun” la dhexgalay. Biyahoodii, baadkoodii, baradoodii, buurahoodii iyo bacaadkoodii buu boqollaal shilin siistey. Dukun daakun ayuu dhulkii ka dhigey. Xoolihii warmo iyo fallaadho ayuu isugu dhiibey oo ay isku laayeen.

    Xilligiisii goortuu dhammaaday ayaa Wax-ma-hambeeye damcay in uu mar kale hoggaaminta duurjoogta isu taago, xoolihii baase codsigiisii diidey oo ku gacmasaydhay.

    Wax-ma-hambeeye, Waraabe Walamsade, afar sano iyo afar bilood duurjoogtii uu ku-amar-kutaagleeynayay, boobayay, beenta u sheegayay ayaa barqo cad bannaanka u tuurtay.

    Waa tii hore loo yidhi: “Booli qaran ruuxna kuma badhaadho oo kuma badbaado”.

    Gobaad Cumar Guuleed

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.