Madaxweyne Deni oo Munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday muhiimadda ay Puntland u leedahay Dhismaha Dekedda Garacad
βQalabkan oo Dowladda Puntland dhammaanteed, gaar ahaan gobolka Mudug ay mudo dheer sugayeen inaan maanta halkan iyada oo nabad qabta iyo anagoo nabad qabna aan iskugu nimaadno waa guul xag Alle ka sugnaatay, mashaariicdan waaweyn oo hada laga sheekeeyey kuwa hada socda iyo kuwa imaan doona intaba dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleenβ
βWaad ogtihiin mashaariicdaas bilowgeedii xukuumadihii naga horeeyey ayaan uga mahadcelinaynaa haday ahaan lahayd Dekedda, haday ahaan lahayd garoonka diyaaradaha iyo kastamkaba, Dowladnimadu waa qori isku dhiib, qofka sharci baa lagu doortaa sharci buuna ku shaqeeyaa, sharcigaana faraya in uu danaha dalka ka shaqeeyoβAyuu Yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
