Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Turkiga oo xiisad adag ka dhex taagan tahay
    Somalia

    Maraykanka iyo Turkiga oo xiisad adag ka dhex taagan tahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

    Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus.

    Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO.

    Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin.

    Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri β€œTani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”

    Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400.

    Xigasho.VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.