Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daacish-ta Puntland ka hawlgasha oo Lix hogaamiye laga dilay
    Somalia

    Daacish-ta Puntland ka hawlgasha oo Lix hogaamiye laga dilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Puntland.

    Duqeyntan,ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta buuraha Goolis.
    “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

    Jeneral West,ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda.

    Weerarkan dhacay Arbacadii ayaa waxaa lagu dilay lix ka mid ah kooxaha mintidiinta Daacish.

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay.

    Talaabada Maraykanka uu sida joogtada ah ugu bartilmaameedsado xubnaha kooxaha Daacish iyo Alshabaab,ayaa ah mid miro dhal ah siina wiiqaysa awooda kooxahaas xagjiriinta ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.