Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Karaash iyo gudiga fatahaada oo kulan yeeshay
    Somalia

    Video:-Karaash iyo gudiga fatahaada oo kulan yeeshay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 8, 2019Updated:June 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka.

    Garoowe, Juun, 08, 2019: Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay.

    Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey dedaalada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka sida kumeel gaarka ah loo dhisay iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyaan guud ahaan wadada.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/PlStateHouseOfficial/videos/484678928941526/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.