Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Isbeddel-iskuddaye.WQ,Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Isbeddel-iskuddaye.WQ,Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 20171 Comment2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin Cawaale la yidhaahdo baa muddo 27 sannadood ah iskuddayayay in uu isbeddel sameeyo. Wuxuu caawinayay qofka saboolka ah. Wuxuu dawo u iibinayay qofka xanuunsan. Wuxuu daryeelayay maatada. Wuxuu ka shaqeeynayay daminta colaadda, nooleeynta nabadda iyo walaaleeynta beelaha. Wuxuu u kala socdaalayay dhammaan deegannada Soomaalidu degto. Wuxuu ka yureeynayay cadowga Soomaali dilooday oo ah: aqoondarrida, qabyaaladda iyo wadajir-nacaybka. Marna hawshiisa kama aanu daalinnin, kama aanu niyadjabinnin. Har iyo habeen wuxuu naftiisa u hurayay wanaagga dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa. Dhowr jeer baa arrintaa darteed loo xidhey. Marar badan waxay naftiisu halis u gashay in la dilo oo la toogto. Eebbese waa ka badbaadiyey.

     

    Aammusane nin la yidhaahdo ayaa ayaantii dambe Cawaale u yimid. Wuxuu iskuddayay in uu ka waaniyo hawsha halista leh ee uu ku jiro.

     

    ”Waxaan jeclaan lahaa in aan kaa waaniyo hawsha aad ku jirto ee halista ah”, ayuu Aammusane yidhi. ”Waa hawl aad keli ku tahay. Waa hawl aadan kelidaa qaban karinnin. Waa hawl aad naftaada ku waayi kartid. Waa hawl aadan wax natiijo leh ka gaadhi karinnin. Iskaga har, baan kugula talin lahaa.”

     

    Xalane ayaa dhoollacaddeeyey. Waa goor galab ah, waxay labadooduba wada fadhiyaan barxadda makhaayad shaaha laga cabbo. Waxaa agtooda guurguurasho ku yimid sabool curyaan ah. Cawaale inta uu istaagay ayuu dhowr shilin miskiinkii siiyey. Dabadeed wuxuu Aammusane u sheegey: “Saddaqadaa iyo saacidaaddaa yarta ah ee aad arkayso ayaa isbeddel weyn sameeyn karta.”

     

    Qofku wuxuu dareemaa in kelidii aanu waxba qaban karinnin, hayeeshee waxaa dhab ah in ruux kasta uu halkiisa wax weyn ka geeysan karo.

     

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 15.02.2017

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.