Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo la kulmay madaxda shirkada Ethiopia Airlines
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo la kulmay madaxda shirkada Ethiopia Airlines

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiyaan Airline.

    Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi.
    Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa masuuliyiinta kala xaajoodey abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

    Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

    Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo 15 Juun 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka.

    Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu socodka dadka iyo ganacsiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.