Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare Khayre oo ku qabtay dayniile kulan maniga looga arinsanayo
    Somalia

    Ra’isalwasaare Khayre oo ku qabtay dayniile kulan maniga looga arinsanayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha , Warfaafinta iyo  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho  oo manta  booqasho shaqo  ku tagey degmadda  Dayniile ee gobolka Banadir ayaa ugu horeyn ka qayb galay  qaybinta  raashin gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadka   u qaybinaysay   dadka  ku soo barakacay Dayniile  kuwaa oo ay abaaruhu ka soo baraciyiin  deegnadoodii .

     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna  Duqa magaalada  Muqdisho Mudane Tabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay goobta  raashinka lagu qaybinayey  ayaa sheegay in maamulka gobolka Banadir ay ka go’an tahay  in ay soo dhaweyso oo ay caawiso dadka Soomaaliyeed ee ku soo barakacaya  Muqsisho.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Dowladda Imaraadka uga mahadceliyey gargaarka ay uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, isagoo tilmaaamay  in  baahida iyo dhibaatada looga bixi karo  inay isu gurmadaan  Dadka Soomaaliyeed.

    Dhinaca  kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa  Degmada Dayniile ku shir guddoomiyey  shirka  Guddiga Amniga  ee Xukumadda  kaasi oo laga hadlayey  dar-dar galinta  Amaanka caasimadda iyo hirgelinta  qorshaha lagu  sugayo Nabadgelyada Magalada  .

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta  iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cumar Cabdiraxmaan Yariisow ayaa tilmaamay in waxyaabaha shirka looga hadlay ay ugu muhiimsaneyd dar dargelinta howlaha la xiriira Nabad gelyada caasimadda.

    Tabit Cabdi Maxamed  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa Muqdisho ayaa  xusay in  maamulka gobolka banaadir ay sharaf weyn u tahay  in  Degmada Deyniile ay  marti galiso shirka Amniga,  kaas oo lagu qaban jiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.