Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo markale hadalo cunsuriyad leh ku weeraray Haween ka tirsan Kongreska Maraykanka
    Somalia

    Trump oo markale hadalo cunsuriyad leh ku weeraray Haween ka tirsan Kongreska Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar mudane oo dumar ah ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aanan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhan Cumar.

    Hadal qoraal ah oo uu Isniinti maanta ku faafay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in afartaasi dumarka ah ay u gafeen Mareykanka, Israil iyo madaxtooyada.

    Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:”Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adage ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xiriira luqadda khalan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen.

    Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in dad badan ay mudanayaashani u careysanyihiin.

    Hadalkaan ayaa imanaya maalin kaddib, marki uu madaxweyne Trump Axadi shalay ku weeraray bartiisa twitter-ka afartan mudane ee xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay in ay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan.

    Mudanayaashan ayaa kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo dhamaantood ku dhashay Mareykanka, iyo Ilhan Omar timid dalkaan iyada oo yar.

    Hadalka Trump ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.