Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga Difaaca baarlamaaanka Fadaraalka oo bilaabay in ay fashiliyaan qorshihii dib u dhiska Ciidamada Qaranka
    Somalia

    Gudiga Difaaca baarlamaaanka Fadaraalka oo bilaabay in ay fashiliyaan qorshihii dib u dhiska Ciidamada Qaranka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
     
    Guddiga ayaa qoraal ay maanta soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15 illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka, islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.
     
    “Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee dawladda dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.
     
    Waxa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soomaaliya ee London ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray qorshahan loo qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qaran leh oo midaysan, ayna adkaan doonto in dib loo dhiso.
     
    Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay, sida ay hadalka u dhigeen.
     
    Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54-aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in difaaca qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.
     
    Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada ay isku raaceen ee loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay Dastuurka.
     
    Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.
     
    Waxay soo jeediyeen In hanaanka dib-u-qaabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo madax maamul goboleedyada ay faraha kala baxaan.
     
    Dhanka kale ka hor imaanshaha qorsaha dib u qaabaynta ciidamada Qaranka ee Gudiga difaaca Baarlamaanka Fadaraalka ayaa ah mid fashilinysa dib u dhsikii la qorshaynayay ee ciidamada Qaranka.
     
    Waxaa jira warar hoose oo tilmaamaya in ka hor imaanshaha qorsaha dib u dhiska ciidamada qaranka ee ay isku raaceen dawlada Fadaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawlada fadaraalka in ay tahay ujeedo laga danbeeyo oo lagu fashilinayo dib u dhiska ciidanka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.