Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaas: Hadal Yar Iyo Hawl Badan,Qore:Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
    Somalia

    Gaas: Hadal Yar Iyo Hawl Badan,Qore:Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 30, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh….

    Suaal… Jaalle Madaxwayne waddanka waxaa ka jirta colaad ah weerar lagusoo qaaday shacabkii adigiina waad ka maqantahay rinkaas sharaxaad dheeraad ah naga sii….?

    Jawaab…. Adeer Gacanna waxaan ku difaacaynnaa shacabkeenna sharafta badan, gacanna waxaan ugu adeegaynaa sidii aan horumar la taaban karo ku gaarsiin lahayn… Sidaad ogtahay waddanku ciidan u tababaran difaaca ayuu leeyahay amarkoodana waa qabaan inay gutaan waajibaadkaas ay u xilsaaran yihiin…

    Suaal….. Jaalle Madaxwayne Siyaasiyiiintu waxay kugu eedeeyaan inaad safar badan xilligaagii ku qaadatay maxaad arintaas ka leedahay….?

    Jawaab…. Adeer Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan….

    Suaal… Jaalle Madaxwayne waxaan sacabka lagu dabooli karin inaad wax badan horumarka dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ka qabatay… Dad badan waxay baahinayaan inaan Dawladaadu waxba qaban, arinkaas maxaad ka leedahay….

    Jawaab…. Adeer Anigu wax uma qabto halugu faan faaniyo ama halagaa sheego, waxaan u heellan nahay inaan dhaxal wanaagsan u reebno shacabka, ciddii Sacab saari lahayd iyo ciddii karbaash dusha kaga rogi lahaydba, waxaan filayaa inay u baahnaan doonaan sacab iyo karbaash aad u dheer oo u baallaaran oo qarin kara dhammaan dekadaha, garoomada iyo jidadadkaba… Waxaanse ku oran lahaa duulkaas, intaad waqtiga ku dhuminaysaan tolidda karbaashaakaas baaxadda iyo dhererka badan, waqtigaas geliya inaad wax ugu qabataan shacabka oo aad maalgashi soo waariddaan wax badan kusoo kordhiya waddanka…

    Suaal…. Jaalle madaxwayne hawada waxaa eedayn soo mariyey madax xilalal kasoo qabtay Puntland wasiiro ha ahaadeen ama Madaxwaynayaal arintaas maxaad ka oran lahayd…..

    Jawaab…. Adeer intaanan ka jawaabin suaal yar aan ku waydiiyo…. Madaxdii hore xilligoodii Suaalahaan aad i waydiinayso xoriyad ma u haysatay…

    Jaalle Madaxwayne… Qodobkaas waan fahmay waadna igaga gar heshay… Waxaan kaaga markhaanti kacayaa in maanta saxaafadda ay u furan tahay Amaan Dawladeed iyo wax ka sheeg Dawladeedba… Mahadsanid Waqtigaas sharafta badan ee aad isiisay iyo qiimaynta aad i qiimaysay… Wax badanna waa iiga furmeen jawaabahaaga…

    Adeer… Adigaa mudan ogoowna in waddanka xil adigana kaa saaran yahay…

    Gabagabo…

    Hadaltiro Haan Ma Buuxiso….

    Wa Billahi Tawfiiq

    Qore:                         Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

    Email:                        aadciiltire@gmail.com

    Facebook:                  https://www.facebook.com/Guureey

    Website:                     https://aadciiltire.wordpress.com/

    Facebook Page:         https://www.facebook.com/AADCiiltire

     

    NB……. Ruuxii u isticmaala inuu isagu leeyahay Allah ayaan u wakiishay Raalina kama ahi…

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.