Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo sheegay in uu ka fakarayo kulan uu la qaato hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi
    Somalia

    Video:-Trump oo sheegay in uu ka fakarayo kulan uu la qaato hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalmo yar uun kadib marki uu ku celceliyey inuu ka fakarayo tallaabo millatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay inuu doonayo inuu la kulmo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un.

    Hadalkaan lama filaanka ah ee kasoo baxay Mareykanka ee ku wajahan siyaasadiisa Qaarada Asia ayaa imaanaya xilli ay xukumada Pyongyang isu diyaarineyso inay tijaabiso gantaalki lixaad oo ah kuwa xambaara madaxyada niyukleerka.

    Wareysi uu siiyey Isniintii Telefeshinka Bloomberg, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay inay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi hadii uu helo waqti ku habboon.

    Wareysi kale oo uu Axadi siiyey TV-ga CBS ayuu Trump ku amaanay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

    Sarkaalki ugu sareeyey Mareykanka oo la kulmay hogaamiye u dhashay Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay aheyd, Madeleine Albright oo soo noqotay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

    Sanadki 2000 ayey la kulantay madaxweynihi hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il oo ah aabaha hogaamiyaha xiligaan ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

    Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waligood ma yeelan xiriir diblamaasiyadeed,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/Ov71NohwCmk

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.