Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad kala socotaa xaalada adag Ee ka taagan Gobolka Doollo?
    Somalia

    Maxaad kala socotaa xaalada adag Ee ka taagan Gobolka Doollo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaalad adag oo dhanka Nolasha ah,ayaa ka taagan Gobalka Doollo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, taas oo isugu jirta dhinacyada Arrimaha Bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Horumarada dhanka dhaqaalaha.


    Dadka kunool Degaanada Gobalka Doollo, ayaa bilaabay sanadihii ugu dambeeyay in ay isaga Barakacaan dhulkoodii, sidoo kalena ay hayaan dhanka Nolasha ah u soo galaan Degaanada Puntland-Somaliya, si ay uga helaan waxyaabaha aas aasiga u ah Nolasha aadamaha.

    Dadkan,ayaa sidoo kale ka Barakacaya Cadaadis iyo handadaado joogta ah oo ay kala kulmayaan Ciidanka Itoobiya, gaar ahaan LIYUU POLICE, oo mararka qaar kula kaca falal xad-gudub ku ah Aadamaha.

    Maamuladii kala danbeeyay ee soo maray Dowlad Degaanka Soomaalida,ayaa u muujiyay Dadka Gobalkaas degan in aysan ka laheyn wax Dan ah, iyadoona Maamulka Gobalka u soo magacaabayay Dad ay kusoo xusheen in ay Karti-yari iyo Maamul xumo, si ay ugu adeegaan Danahooda gaarka ah.

    Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar,ayaa Guddoomiyaha Gobalka Doollo ka dhigay Cabdinaasir MH Cabdulle,

    Halka Abdiqani Badal Khalaf uu ka dhigtay Gudoomiyaha Dagmada Bookh.

    Kuwaas oo Bulshada Gobalka ay sheegeen in ay yihiin kuwo aan matali karin Masiirka Gobalka.

    Madaxweyne Cagjar oo Gobalka Doollo yimid, ayaa dhagax-dhigay Mashaariic Hormarineed, halka kuwo kalena uu balanqaaday, mana jirto wax ka fulay Mashaariicdaas, waxaana ay dadka degaanku muujinayaan dareen niyad jab ah, kaas oo u muuqda inuu maalinba maalinta ka dambeysay inuu sii kordhayo.

    Is-bedelaladii ka dhacay Degaanka Soomaalida,ayaan waxba u soo kordhin Gobalka Doollo, halka Gobalada kale ee baaxad ahaan iyo Bulsho ahaanba ka yar Gobalka ay heleen Mashaariic hormarineed oo laga fuliyay iyo Maamulo shaqeynaya, waxaana arintan loo sababaynaya Xukuumadda Dowlad Degaanka oo aan wax qiimeyn ah aan u heyn Gobalka Doollo iyo in la doonayo in la Barakiciyo Bulshada Gobalka Allah ku beeray.

    Si kastaba ha ahaatee, Xaalada Bi’aadanimo ee ka taagan Gobalka Doollo,ayaa sababi karta in Mustaqbalka dhow ay xaalado adag ka dilaacaan Gobalka, sidoo kalena ay timaado in la xakameyn waayo Dhacdooyinka isa soo taraya ee Degaanka dul-hoganaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.