Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo maanta ka dhagaxdhigay Galkacyo mashaariic uu ku jiro isbitaal cusub
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo maanta ka dhagaxdhigay Galkacyo mashaariic uu ku jiro isbitaal cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2017Updated:May 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06.05,2017 waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay mashaariic dhawr ah oo  iskugu jira iskuulo,isbitaalo,xarun Boolis, iyo xafiisyo cusub oo  Xarunta Dawladda hoose ee Gaalkacyo ah.

    Dhigax dhiga mashaariicdani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo kamida wax garadka magaaladaasi.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay mashaariicdan horumarineed ee laga hirgelinaayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay wax weyn ka bedeli doonaan waxbarashada, Caafimaadka, Amniga  iyo biyaha magaalada Gaalkacayo.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in mashaariicdani ay isugu jirto dhisme iskuulo, dhisme goob caafimaad, dhismaha xafiisyada gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo, saldhig Booliis, iyo ceel-biyaadyo iyaguna ka qayb ka ah mashruuca.

    ‘’waa mashruuc weyn oo ka kooban iskuulo, cusbitaal, saldhig Booliis, xafiisyadii gobolka iyo kan degmada, iyo ceel-biyoodyo, magaaladan oo ah runtii magaalo muhiima oo kutaala koonaha Puntland, micne weyn ugu fadhida difaaca iyo nabad gelyada Puntland in horumarku wax kasoo gaadho waa muhiim weeye, mashruucan waxaan rabnaa inuu siday tahay u fulo waxaana fulin doona Company-ga Al-Baashid oo runtii shaqooyin badan oo muhiima dalka hore uga fuliyey waxaan ka rajaynaynaa Company-ga inuu masharuuca say tahay u fuliyo, mashruuc wax ku oola oo wax badan ku soo kordhiya bulshada reer Gaalkacayood uu noqdo ayaan rajaynaynaa hadii Alle idmo’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo fariin u diray bulshada magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in mashruucdani  lagu qiimayn doono hadba sida ay uga qayb qataan bulshada magaalada Gaalkacayo hirgelintiisa iyo dardar gelinta dhamaystirka mashruuca, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashaariicdani qiimayn u tahay mashaariicda kale ee laga hirgelin doono xarunta gobolka Mudug.

    ‘’Dabcan  reer Gaalkacayood waxaan u sheegaynaa waxa weeye hadba sida aad u fulisaan oo uga qayb qaadataan ayaa mashaariicda danbena ku xidhnaan doonaan hadii Illahy yiraahdo’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Puntland meelkastay joogaan inay ilaashadaan xasiloonidooda, sharaftooda iyo karaamadooda intaba,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

    https://youtu.be/9o9-rqYTeds

    Halkan ka daawo muuqaalka oo gaaban

    https://youtu.be/toN1U5ApQuM

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.