Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kuma Gudoomiyaha cusub Ee ONLF?
    Somalia

    Waa kuma Gudoomiyaha cusub Ee ONLF?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay Magaalada Qabridahar ee deeganaka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana laga kaxeeyay halkaas isagoo yar oo waxaa la geeyay Magalaad Wajeer ee dalka Kenya sanadkii 1962.

    Wuxuu halkaas ku bartay qeybka mid ah waxbarashadiisa dugsiga hoose, kadib markii uu buuqa ka dhashay dalka Itoobiya.

    Qoyska Cabdiraxmaan ayaa markii dambe waxaa ay u wareegeen Magaalada Kismayo, waxaana dugsigii hoose ee Kismayo uu ka sii watay waxbarashadiisa dugsiga hoose.

    Magaalada Baydhabo ayay sidoo kale qoyskooda u wareegen, waxaana halkaas uu ka dhigtay dugisga dhexe qebtiisa koowaad.

    Magalaada Muqdisho ayuu usoo wareegay, oo waxaa uu halkaas ku dhameeyay dugsiga dhexe, kahor inta uusan waxbarashadiisa dugsiga sare ka dhameynin dugsiga sare ee Lafole.

    Jaamacadii Lafoole, gaar ahaan kuleejkii macallimiinta ayuu ku biiray, waxaana xigay shahaadada labaad ee jamaacadda machadkii caanka ahaa ee SIDAM ee ku yaalay xaafadda Shingani ee Magaalada Muqdisho iyo jaamacad kale oo ku taala dalka Mareykanka oo uu ka bartay xisaabta.
    Cabdiraxmaan waxaa kale oo uu soo noqday macallin, oo waxaa uu wax ka soo dhigay iskooladii 15 May, dugsiga Cabdicasiis, dugsiga Xamar jadiid iyo jamaacdda Lafoole oo uu mar ka soo noqday bare jaamacadeed.

    Intii uu joogay gudaha Soomaaliya waxaa uu ahaa macallin ku takhasusay xisaabta, fisiks dugsiyada hoose ka dhigi jiray seyniska.

    Jaamcadda Lafole ayuu sidoo kale macallin ka soo noqday oo waxaa uu ka bari jiray macallinimada. Markii uu yimid dalka Ingiriiska, waxaa uu halkiisi ka sii watay macallinimada, waxaana kuleejka Westham uu ka dhigi jiray maadada ganacsiga iyo luuqadda Ingiriiska.

    Kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan waxaa uu ka mid ahaa Soomaalidii u qaxay dalalka caalamka, oo waxaa uu tegay dalka Ingiriiska, halkaas oo markale uu ku biiray jamacadda Green, kahor inta uusan macallin ka noqonin Kuleejka Westham ee dalka Britain.

    Waxaa uu BBC-da u sheegay in uu halganka bilaabay 1972, xiligaa soo uu sheegay in uu ahaa dhalinyaro 16 sano jir.

    Wuxuu xiligaas ku biiray uruurka dhaqdhaqaaqa dhanliyarada Soomaaliyeed ee “xoreynta dhulka ay xabashida guumeysato”.
    Sanadkii 1974 waxaa uu markale ku laabaty Magaalada Qabdirdahar, waxaana halkaas lagu xiray 6 bilood xiligii dowladii Mangistu, waxanaa markii la sii daayay uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

    Dagaaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomalaiya waxaa uu ka mid ahaa dadkii asaasay ururkii dhalinyaradii gobanimo doonka Soomaali galbeed, waxaana uu guddoomiye u noqday isla ururkaas ilaa iyo sanadkii 1983.

    Sanadkii 1984, isaga iyo shan aqoonyahano oo ka tirsanaa jabhaaddii WLSF waxay asaaseen ururka ONLF, waxana uu horay usoo noqday guddoomiyaha ururka ONLF xiliyadaas, kahor inta uusan ku wareejinin Cabdiraxmaan Yuusuf Magan oo guddoomiye ahaa ilaa iyo sanadkii 1991.

    Intii uu ku jiray ururka ONLF, Maadey waxaa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo kala ah xoghayaha arrimaha dibadda, xoghayaha dhaqaalaha, xoghayaha guud iyo xoghayaha warfaafinta.

    Cabdirxamaan Madey waxaa uu kusoo barbaaray Soomaaliya, waxaana uu horay tirsanaa bahda ciyaartoyada.

    Intii uu ku noolaa Soomaaliya waxaa uu soo noqday tababaraha naadiga badda ee kubada kolayga badda, waxaana uu mar tababare usoo noqday naadiga Qaranka ee kubada kolayga ee Soomaaliya.

    Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku hogaamiyaya ciyaaro badan oo kuwa kolayga ah.

    Cabdirxmaan Maadey waxaa uu dhalay lix wiil, waxaana ay wada joogaan xaaskiisa Seynab Jaamac Adan, sidoo kale waxaa la dhalatay laba gabdhood iyo wiil.

    xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.