Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga QM”Shabaab waxay hadda soo saaraan bambooyin
    Somalia

    Guddiga QM”Shabaab waxay hadda soo saaraan bambooyin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019,ayaa sheegay in intii lagu guda jiray muddo xileedkoodii koowaad, ay isticmaalka waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay gaartay heerkii ugu sarreeyey taariikhda Soomaaliya, ayada oo korortay saddex meelood meel, marka loo barbardhigo sanadkii tagay.

    Sida ay warbixinta tiri, taxliilin dhanka kiimikada ah oo la sameeyey kadib qaraxyada Al-Shabaab qaarkood, ayaa muujisay in markii ugu horreysay ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay sameysato bambooyinka ay qaraxyada ku fuliso, ayada oo sidaas sameeneysay illaa ugu yaraan Bishii July ee 2017.

    Sidoo kale, uma muquato in Al-Shabaab ay hor-istaagi karto dhaqaale la’aan, ayada oo sida lagu sheegay warbixinta, ay habka canshuuraha ee u eg kan maafiyada oo kale ee Shabaab ay ka adeegsato koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kooxda soo geliyo dhaqaale badan.

    Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu ogaaday in Al-Shabaab ay sii ballaarisay dakhli soo xareynteeda, kadib markii ay billowday inay canshuur ka qaaddo badeecooyinka kasoo dega dekedda Muqdisho.

    Sida warbixinti tiri, ku dhex milinka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan 2019 garay heer aad u sarreeya, kadib markii qof naftiisa huray, oo la tuhunsan yahay inay ka tirsaneyd Al-Shabaab ay isku dhex qarxisay xarunta gobolka Banaadir , kuna dishay duqii Muqdisho, allaha u naxariistee Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo sagaal mas’uul oo kale.

    Gabadhaas iyo gabar kale oo ka caawisay qaraxa, ayaa ka dhex-shaqeynayey xarunta gobolka, waxaana goor dambe la ogaaday inay adeegsanayeen magacyo been abuur ah.

    Dhanka, warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Daacish ee Soomaaliya ay markii ugu horreysay tan iyo markii la aas-aasay 2015, ay qorsheysay weerar ka baxsan Soomaaliya.

    Warbixinta ayaa tiri in bishii December 2018, ay mas’uuliyiinta Talyaaniga ay gobolka Bari ku xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Moshin Ibraahim, isaga oo lala xiriirinayey shirqool lagu qarxin lahaa kaniisadda St. Peter’s Basilica ee ku dhex-taalla xarunta Vatican City ee magaalda Rome, 25-kii December 2018.

    Gudidga ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey isaga oo gacan ka helayq dowladda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday xiriir ka dhaxeeyey Cumar iyo xubno ka tirsan Daacish oo ku kala sugan Somalia, Kenya iyo Libya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.