Maanta oo kale 27-November- 1962-kii waxey ku beegan tahay markii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake uu Washington kula kulmay Madaxweynihii 35-aad ee Mareykanka John F.
Kennedy oo martiqaad uu ka helay, waxaana la socday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Fadaraalka Soomaaliya Cabdullahi Ciise Maxamuud iyo Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka Cumar Macalin Maxamuud,
Labada dowladood,ayaa xiligaas kala saxiixday heshiisyo lagu xoojinayay xiriirka labada dal.
Labadaas Madaxweyne,ayaa ugu danbayn shirqool dil ah ku geeriyooday.