Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraabe [Sheeko Gaaban]WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”
    Somalia

    Waraabe [Sheeko Gaaban]WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ”Habaar in uu i haysto baan ka baqsanahay. Haddaan ahay Waraabe, maxay tahay musiibadani oo Maalig kelidey uun igu salliday?” Dhurwaa ayaa su’aalay, isagoo la warramaya Naftiisa. ”Duurjoogta kale hooggani ilama qabaan. Maxaan taa ku galabsaday oo ku mutaystay?”

    Waxay ugu jawaabtay: ”Ma jiro, innaba ha yaraatee, waxaad kaga duwan tahay dugaagga kale. Ma garan karo, anigu, oo iima muuqdaan waxa kelidaa ugu fongoran tahay. Iyada cuqubo, warkeeda daa! Waalidkaa inuu kuu duceeyo mooyee, abidkii kuma habaarin. Inanyahow, waxaad wadatid waa daandaansi iyo kibir! Is qaboojiyoo shayddaanka iska naar!”

    ”Naa, ma ismagangadaysaa?”

    Sayte, ”war isyeelyeeli maayee, iga dhab weeye. Waad i taqaan, likaacada iyo jeesjeeska ma aqaan. Waxaad ka mid tahay, naflayda duurjoogta ah kuwa ugu magacyo dhaadheer oo wanwanaagsan. Koonka aynnu saarannahay ma jidho kob aadan caan ka ahayn.”

    ”Ma imminkaad hiyiwaale ila soo doonatay?” Waraabihii oo jawaabta Nafta la amakaakay ayaa weyddiintuna ka timi. ”Annagaa belaayo … Huuno! … Ma waalatay, mise waad soo waddaa? Habeen soo gala iyo waa guduutaba, waxa aflaggaaddo iyo hadallo qoonsimaad iyo quursad laygu hayo, sowyadaa goor kasta ku soo gaadho maaha? Wax kale iskaba daayoo, sow garan maysid inta magacyo qalqallafsan la ii bixiyey oo maanta dunidoo dhan iigu maadsato? Waa yahaye, aan kuu tirsho: Cumar, Dhurwaa, Qaaryare, Waraabe, iyo kuwo kaloo fara badan. Bal ka sifaalee oo ii sheeg, naflayda kale oo intaas isimmood leh! Magacyada dhawaaqoodu, waliba, ma laha diirnixid oo maaha kuwo ku soo jiidanaya.”

    Kute Naftii, ”arrinku hadduu caynkaa yahay, maad ka gilgilatid, maxaase meesha ku dhigey?”

    ”Xaajadaba waxaan u soo gundhiyey,” Dhurwaagii baa xanaaqii ka yara dhacay, kolkay ku giijintii Naftu ka debcisey, ”inaan kula socodsiiyo ayaan damacsanaa in duurjoogta kale aan isugu yeedho oo la garnaqsado. Waxaan ku talaggalsanahay oo ku odhan doonaa: ´Nooluhu waxay iga qabaan fekred khaldan. Sumcad xumo ayaa meel kasta lay mariyey. Maanta iyo wixii ka dambeeya Aammin ha la iigu yeedho oo magacyada kale ha layga daayo!’ Maxay kula tahay?”

    ”Talo wacan weeye,” Naftii ayaa ku warcelisey.

    Durduri oo wuxuu isugu yeedhey dhammaan wixii Habar Dugaag ku abtirsanayay. Xaalkii ayuu u tebiyey. Kolkii hore, waa lays dhugtay oo hoostaa layska qandhuuftay. Markii xigey, mid ka mid ah baa yidhi, ”codsigaagaas waxba kama qabno’e, balse in layska kaa hubiyo weeye; waxaad yeeshaa, bal qabo, Hashatan iyo Nirigteeda, arrooryadiina kuugu nimaadno!”

    Duurjoogtii subixii bay ku soo laabteen, mise Nirigtii bishmahaa go’an, Hashiina naasahaa maqan. ´Maxay ka nuugtaa amase ku nuugtaa!’

    Dhurwaagii baa intuu qoslay oo iska dhaqaaqay yidhi: ”Waligiinba Aamminow, gura! Sow ima barataan?”

    Maxamed C. Xasan ”Alto”

    Helsinki, Finland, 25.05.1997

    xasan_maxamed@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.