Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo xafladii soo dhaweynta madaxda somalida ee London oo dhamaystiran
    Somalia

    Video:-Daawo xafladii soo dhaweynta madaxda somalida ee London oo dhamaystiran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Munaasabadan oo aheyd mid si maamuus leh loo soo agaasimay, ayna ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne somaliyed oo ka kala yimdi gobolada dalka UK ,ayaa muujisay dareen isku soo dhawaansho madaxda somalida ah.
     
    Waxaa xusid mudnayd sida ay u hadleen inta badan madaxda madasha ka hadashay.
     
    Madaxweyne Gaas ayaa hadal kooban oo u badnaa kaftan waxuu ku yiri” “Waxaan ku raacsanahay Maryan Mursal oo waxaan leeyahay dhamaanteen waan wada farmaajeysanahay, waxaan leenahay farmaajo noo wada geeya, Laakiin farmaajo noogeeya waxay rabtaa in wax lagu daro, runtii waxa idiin muuqda waxaa waaye socodkayagu , tafararuq mahan, waa midnimo Soomaaliyeed oo uu nagu hogaaminayo Madaxweynahayagu taasi ayaan u nimi london”ayuu yiri .
     
    Sidoo kale Madaxweyne farmaajo ayaa isna madasha khudbad ka jeediyay waxaana ka mid ahaa hadaladisii”Waxaan rabaa inaan halkan idiinka cadeeyo Soomaali waa midowday, Shacabkeenu waa midoobey, qabiil iyo qurunkiisa waa tuurnay, waxaan rabnaa caawa inaan heshiis halkan ku galno. Anaguna waxaan ka shaqeyn doonaa Midnimo , dowlad wanaagsan, horumar iyo umadd Soomaaliyeed oo walaalo ah, midnimo waa wixii aan kusoo gaarnay 60kii ilaa 91dii”ayuu yiri madaxweyne farmaajo..
     
    Madaxweyne Axmed Madoobe oo looga bartay inta badan hadalo aan ka fiirsi lahayn oo ka dhaca ,isla markaana ay dad badan ku tilmamaaan in ay yihiin kuwo kasoo baxay nin siyaasada ka aradan oo dani baday.
     
    Axmed madoobe hadalidiisii xaflada London uu kajeediyay waxaa ka jiray kuwo uu ku durayo nidaamka fadaraalisimka oo isagu uu hada ku fadhiyo kuna qayb qaatay,isla markaana ku matalo shacabka Jubaland,waxaana kamid ahaa hadalisiii……..”Waxaa laga hadlaa madaxweynayaal badan iyo Maamulo anigu waxaan ahay dadka aan rumeysneen Federaalism-ka, wax yar u kaadiya adeer, waxaa la yiri in kasta oo uu hadal fiican ahayn waxaa la yiric Nin dameer dabadiis ka degay dan buu mooday, in State-yo aan sameyno waxaan dan u moodnay inaan marka hore meel walbo lasoo dhiso kadibna hal meel isugu wada nimaadno , mahan inaan dan kale ka leenahay, madaxweynayaasha badan waa ka gudbi doonaa”ayuu yiri Axmed madoobe,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/qAp9uWWNeKw

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.