Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka Oo madaxiisa dul dhigay lacag fara badan xubin Alshabaab ka mid ah
    Somalia

    Maraykanka Oo madaxiisa dul dhigay lacag fara badan xubin Alshabaab ka mid ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay in cid walba oo soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al Shabab u qaabilsan howlaha sameynta bambanooyiinka ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo dhan 5 milyan oo doolar.

    Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka.

    Ninkan ayaa la sheegay in muddo dheer xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya.

    “Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu daraja sareeya ee ka barbar dagaalamaya urur argagixiso ah oo dibadda ka jira,” ayuu yiri Robert Brewer, oo ah dacwad oogaha sare ee koonfurta California.

    “Argagixisada Al-Shabaab waxay halis ku yihiin amniga qaranka, dalalka aan bah-wadaaga nahay iyo rayidka aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Brewer.

    “Maanta waxaan caawin ka codsanaynaa dadwaynaha, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Mostafa.”ayuu yiri.

    Scott Brunner, oo ah sargaal ka tirsan FBI ayaa gaar ahaan ka codsaday dadka bariga afrika inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa goobta uu ku sugan yahay Mostafa, oo la rumaysan yahay in uu joogo koonfurta Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.