Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Amiirka Qatar Oo ka baaqday shirka Khaliijka
    Somalia

    Video:-Amiirka Qatar Oo ka baaqday shirka Khaliijka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh ay hogaamiso.

    Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xiriir la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran.

    Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas.

    Amiir Tamim ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al-Thani u magacaabay inuu hoggaamiyo ergo ka socota Qatar oo ka qeyb-galaysa shir madaxeedka maanta furmay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ay werisay wakaaladda wararka QNA.

    Rajada dib u heshiin dhex marta labada dhinac ayaa soo muuqanaysay dhowaanahan inkasta oo Doha ay diiday inay aqbasho shuruudaha ay ku xireen dalalka xiriirka u jaray.

    Kadib markii boqorka Sacuudia Salman uu Amiir Tamim ku casuumay kulanka, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in “xooga horumar ah” laga sameeyey wada-hadallo ay la leeyihiin Riyadh.

    Tallaabo ay qaadeen daqiiqaddii ugu dambeysay ayaa sidoo kale saddexda dal ee Khaliijka waxay ku aqbaleen inay ka qeyb-galaan tartanka kubadda cagta Khaliijka ee lagu qabtay Qatar, taasi oo hogaamisay hadal hayn ku saabsan in xal diblomaasiyadeed uu dhow yahay.

    Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in shirka Khaliijka ee Riyadh uu dhabbaha u xaar lahaa “shir dib u heshiisiin.”,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.