Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaarihii Roobabkii Dabaylaha watay Ee Puntland
    Somalia

    Khasaarihii Roobabkii Dabaylaha watay Ee Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii iyo roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Puntland ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

    War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii noloshooda ay ku tiirsanayd.

    Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi barakiciyeen 4,800 oo qof .

    Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

    Waxay sheegtay Qaramada Middoobay in dadka ay dabaylahaasi saameeyeen ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale oo caafimaad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.