Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiye Oo Baarlamaanka horgeeyay sharci xakamaynaya Inernetka iyo xoriyada hadalka
    Somalia

    Abiye Oo Baarlamaanka horgeeyay sharci xakamaynaya Inernetka iyo xoriyada hadalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sharci cusub oo ay ka fakareyso Itoobiya ayaa lagu qeexay mid halis ku ah xoriyadda hadalka iyo internet-ka.

    Xeerkan lagu magacaabo “Ka hor-tagga hadal naceybka iyo been-abuurka” ayaa hadda maraya heer qabyo ah, balse haddii la anisixyo wuxuu dambi ka dhigi doonaa hadallada online-ka, idaacadaha iyo qoraallada ee sare u qaadaya naceybka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

    Sharcigan ayaa diidaya wax kasta oo hurinaya naceyb, takoor ama weerar ka dhan ah qof, ama koox lagu beegsado sababo la xiriira jinsigooda, diintooda, qowmiyaddooda iyo naafo-nimadooda.

    Wuxuu sidoo kale mamnuucayaa wararka been abuurka ah ama marin-habaabinta, sida lagu sheegay bayaanka Human Rights Watch.

    Sharcigan ayaa waxaa ansixiyey golaha wasiirada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, balse wuxuu weli u baahan yahay in baarlamanka uu ansixiyo.

    Dadka sharcigan dhaliilaya ayaa rumeysan in loo adeegsan karo in lagu aamusiyo codadka wax dhaliila ama siyaasiyiinta mucaaradka.

    Waxa ay sheegeen inuu la mid yahay sharcigii la ansixiyey 2009 ee ka hor-tagga argagixisada, kaasi oo loo adeegsaday in lagu xabiso dibad-baxayaasha iyo suxufiyiinta.

    Si katsaba, taageerayaasha sharcigan ayaa ku doodaya inuu lagama maarmaan u yahay si dadka loogu joojiyo inay naceyb ka dhex abuuraan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.