Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo jawaab adag siiyay Laftagareen
    Somalia

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo jawaab adag siiyay Laftagareen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shacabka Koonfur Galbeed waa dad nabad jecel, dadnimo leh, ilbaxnimo wada noolaasho iyo dad la dhaqanba leh. Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo.

    Walaalkey C/Casiis Laft gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran.Valueimpression Placeholder

    Waa la isku deyi karaa in la qabiileyo doodda la xariirta xasuuqii Baydhabo, oo indhaha dadka laga leexiyo ciddii dhibka gaysatay, laakiin waxaa jira ma hadhooyin ku lamaasan oo aan marna laga reebi karin magaca Farmaajoo sida; xasuuqii Baydhabo, dhiibista Qalbidhagax, cunaqabatayntii Kismaayo, iyo weerarkii xarunta Xisbiga Wadajir ee 17 kii December.

    Tan kale, Al-shabaab qabiil ma laha, qolo walbana way xasuuqaan, qabiil walbana waa ku jiraa, waana khalad in qolo loo saariyo Alshabaab. Mid ay walaasheey dhashay ayaa la ii sheegay in uu fariin soo faray, isagoo leh Abti Ilaaheey ayaa na kala baxsaday oo waxaa beri yeelay Sh Xasaan.

    Dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo waxaa xasuuqay mooryaan beeleed, waxayna ahayd fal danbiyeed waxshinimo leh, oo ay mooryaan gaysatay. Reer Gaalkacyo iyo Soomaali oo idil way ka dhiidhiyeen, xitaa kuwii ku dhiiran waayey in ay kalmad ka yiraahdaan xasuuqii Baydhabo.

    Walaalkeen Laftagareen waxaan kula talinayaa in uusan waqti ku lumin difaaca Farmajo ee waqti ha geliyo sidii uu kursigiisa dhiigga uga mayri lahaa, dadkiisa la heshiiyo, dadka deegaanka ha heshiisiiyo, inaguna waxaan diyaar u nahay in aan sidaas ku taageerno.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.