Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Donald Trump oo u digay Agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday
    Somalia

    Video:-Donald Trump oo u digay Agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 13, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa uga digay agaasimihii FBI-da ee uu xilka ka qaaday, James Comey, in uu warbaahinta si qarsoodi ah xog u siiyo.

    Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yidhi Comey “waa inuu ogaadaa in aan wadahadalladii na dhex maray aan la duubin” hadalkaas oo ujeedada uu ka leeyahay tahay in hadii uu Comey hadal duuban soo badhigo uu noqon doono mid ka duwan hadaladii ay hore isku dhaafsadeen.

    Comey oo hormuud ka ahaa baadhitaan lagu hayo in ay suurto gal tahay in xafiiskii ololaha Trump iyo saraakiil Ruush ahi iska kaashadeen sidii doorashada ay saamayn ugu yeelan lahaayeen ayaa xilka laga qaaday Salaasadii.

    Hase yeeshee Trump wuxu ku adkaysanayaa in Comey u sheegay in aan isaga shakhsi ahaan wax baadhitaan ahi ku socon.

    Xog-hayaha warfaafinta Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in Trump aanu wax badan ka odhanayn “cajaladaha la duubay” laakiin qoraalkaa uu ku baahiyey boggiisa Twitter-kuna aanu “ahayn hanjabaad” ku socota Comey.

    Madaxweyne Trump wuxu hore u sheegay in Mr Comey u sheegay saddex goor in aanu isagu ahayn qofka baadhitaanka FBI-du ku socdo, hadalkaana waxa ka dhashay eedaymo hor leh oo dadka ka soo horjeedaa ku eedeeyeen madaxweynaha inuu fara gelinayo baadhitaanka socda.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.