Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Rw Khayre oo dalka Qadar kaga qaybgalay shirweynaha Caalamiga ah ee iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda
    Somalia

    Video:-Rw Khayre oo dalka Qadar kaga qaybgalay shirweynaha Caalamiga ah ee iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

     “Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray “Inagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.

    Ra’iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka

    “Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/bFEo3whPrgA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.