Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Microsoft”Weeraradii internet-ka waa baraarug cusub”
    Somalia

    Microsoft”Weeraradii internet-ka waa baraarug cusub”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Microsoft ayaa sheegaysa in weeraradii jimcihii lagu qaaday computerada ilaa 150 waddan ay tahay in dowladaha caalamka ay u arkaan mid uun billow ah oo ay tahay in ay wax ka qabtaan.

    Microsoft waxa ay sheegtay in shirkado badan ay ku guul dareysteen in ay hannaankooda koombiyuutarada casriyeeyaan, arrintaas oo ay sheegayaan in ay sababtay in Virus-ku uu faafo.

    Sida ay sheegayaan khubarada farsamada casriga ah, Viruskan ayaa si gaar ah uu u beegsanaya qaybta gabowday ee aaladda Microsoft’s Windows, arrintaa oo markii hore ay shaaciyeen sirdoonka mareykanka.

    Waxaana hadda jirta cabsi ah in khatartu ay ka sii dari doonto maanta oo isniin ah oo dad badani ay ku soo laaban doonaan shaqooyinkooda balse ilaa hadda waddamada Kuuriyada Koonfureed iyo Australia ayaa durbaba soo sheegaya viruskaasi.

    Shirkada microsft ayaa sheegtay in weerarkii dhanka internetkii ee ilaa iyo jimcihii lagu qaaday 150 dowladood oo caalmka ah, ay tahay in guud ahaan caalamka uu arko xasuusin lagu baraarugo.

    Shirkada weyn ee Microsoft ayaa sheegtay in barnaamijyada qadiimiga ah ee macaamiishu adeegsadaan ee aan la cusbooneysiin ay sababtay waxyeelo balaaran.

    Waxaa jira baqdin weyn oo laga qabo weeraro dheeraad ah oo dhacay, iyada oo dadku ay shaqooyinkooda kusoo laabnayaan maanta oo isniin ah.

    Shirkada badan ayaa diyaarsaday khubaro labadii maalmood ee lasoo dhaafay si ay uga hortagaan viras cusub.

    Burcada Viraska ku weerartay computerada ayaa la wareegay feelasha mcaamiisha iyaga oo kooxdani dalbanaya 300 oo dollar si macaamiisha dib loogu soo celiyo isticmaalka feelashooda.

    Baahitaanka viraska ayaa hakiyay howlihii macaamiisha fasaxii asbuuca, balse dib u habeynta ayaa laga yaabaa in ay qaadato saacado y;ar, sida ay khubarada ka digtay.

    Inka badan laba boqol oo kun oo computer ah ayaa ilaa iyo haatan viruska saameeyay.

     

     

    Xigashoo BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.