Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Jubbaland oo la wareegay degaano kamid ah J/Hoose
    Somalia

    Ciidanka Jubbaland oo la wareegay degaano kamid ah J/Hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Daraawiish-ta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa dagaal kula wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

    Degaannada ay howlgalka kula wareegeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa waxaa kamid ah degaannada Araare iyo Maleeleey oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay muddoo ku sugnaayeen Al-Shabaab.

    Idiris Kuusow Sheekh Cabdi, oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka war-heleen in Kooxda Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah, sla markaana howlgalkii ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

    Howlgalkan wadajirka ah ee ay wadaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB, ayaa weli ka socda degaanada hoos-taga Degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanku ay beegsanayaan goobaha Kooxda Al-Shabaab ay sugan tahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.