Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xaflad Soo Dhowayn Ah Loo Sameeyey Magaalada Oslo
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xaflad Soo Dhowayn Ah Loo Sameeyey Magaalada Oslo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd16/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey.

    Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland  oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo, halkaasi oo iyana ay kala soo qayb galeen dad badan oo ka yimi jaaliyada wadamada derinka la ah sida Denmark iyo Sweden.

    Madashii lagu qabtay xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa iyana waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyayaasha jaaliyadaha iyo wakiilada Dawladda Puntland ee dalalka, Denmark, Finland, Belgium iyo dalakaasi Norwey oo iyaga marti loo ahaa.

    Sidoo kale waxaa xafladani iyaguna qayb weyn ka ahaa Fanaaniinta reer Norwey iyo weliba bahda saxaafada oo iyagu si  toos ah u tibinasay barnaamijkii iyo maamuuskii ay xanbaarsanayd xafladii xalay ka dhacday magaalada Oslo.

    Dhinaca  kale waxaa intii ay socotay xafladu ka hadlay oo eroyo koo kooban ka jeediyey fagaarahii laysugu yimi Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, iyo siyaasiyiin ka tirsan ururada siyaasadeed ee dalka Norwey,

    xubnahaas oo dhamaantood si isku mida uga hadlay adkaynta amniga iyo horumarinta Puntland iyo sidii DawladdaPuntland loogala shaqayn lahaa siyaasada ku aadan maalgashiga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee hawsheedu sida baaxada leh usocdo.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo afmeeray ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Soomaalida Norwey, isagoo welibana mahad gaara nu naqay Jaaliyada Puntland ee wadanka Norwey iyo weliba Jaaliyadaha kale ee reer Puntland ee Wadamada kale uga yimi si ay usoo dhaweyaan Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

    ”Puntland waxay qaaday dhabahii horumarinta, waxaan xooga saaraynaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo hurumarinta waxabarashada iyo caafimaadka, waxaan ka shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, waxaan ku dedaalaynaa in la helo cadaalad qofkasta ku qanci karo, illaahay keliya ayaa cadaalad bixin kara, balse waxaan ku dedaalaynaa in Puntland sida ay u dhisan tahay u ekaato, waa taas taan rabaa, Gudoomiyaha Baarlamaankana ugaga codsaday in dib loo furo Baarlamaanka oo dadka ka maqani ay ku soo biiraan oo ku yeeshaan cid metesha, waxaan doonayaa in Puntland ay ka wanaagsanaato berrito halka ay maanta taagan tahay, in hore loo socdo ayaan rabnaa, idinkana Soomaalidiina qurbo joogta ah waxaa la idinka rabaa inaad dedaashaan, waan ogahay inaad qayb weyn ka qaadataan hurimarka Soomaaliya, midna waa iga dardaan, dardaarankaasina waxuu yahay inaad ubadkiina Diinta iyo dhaqanka bartaan, waayo way ku adkaan doontaa inay iyagu ugu buseelaan Soomaaliya sida aad idinku ugu boholyoobaysaan oo bogiinu utebayo” ayuu yidhi Madaxweyna Dawladda Puntland”

    –DHAMMAAD–                                                                                                  

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.