Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Jubbaland oo ka digay in la Siyaasadeeyo Mashaariic hormarineed (War-murtiyeedka)
    Somalia

    Puntland iyo Jubbaland oo ka digay in la Siyaasadeeyo Mashaariic hormarineed (War-murtiyeedka)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2020Updated:January 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, oo labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

    War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Puntland iyo Jubbaland, ayaa looga hadlay xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka, Khilaafka kala dhexeeya DFS, qeybsiga Kheyraadka dabiiciga ah iyo deeqaha lagu helo Magaca Soomaaliya.

    Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay Hindise sharciyeedyada Batroolka iyo Saxaafadda ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, waxaana ay digeen in la siyaasadeeyo Mashaariicda hormarineed ee caalamku uu siiyo Soomaaliya.

    Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor-yimid sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golaha Shacabka BJFS iyo Hanaanka ay u socota dib u eegista Dastuurka KMG ah Dalka, waxaana ay ku baaqeen in wada-tashi ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si looga heshiiyo halka dalku aadayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.