Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Anteeno “Kheyraadka Badda Puntland jariifayaal baa xaalufiyay”
    Somalia

    Guddoomiye Anteeno “Kheyraadka Badda Puntland jariifayaal baa xaalufiyay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2020Updated:January 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha Degmada Bandar-Bayla oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegay in burcad-badeedii ay isu bedeshay Jariiflayaal xaalufiyay Khayraadkii badda, isagoona walaac xoog leh ka muujiyay waxa ka socda Badwaynta Hindiya oo uu tilmaamey in la geliyay qalab mamnuuc ka ah Caalamka in lagu kaluumaysto.

    “Badii waa la baabi’iyay, waxaa la geliyay boqolaal qalab ah oo aduunka laga mamnuucay, kuwaas oo laga keenay Dalka Cumaan, Burcad-badeedii laga sifeeyay waddanka waxay isu bedeleen kuwa ilaaliya doonyaha badda jariifaya” ayuu yiri Saciid Ateeno.

    Sidoo kale, Guddoomiye Anteeno ayaa Ciidamada Booliska Puntland iyo Wasaarada Amnigga ku dhaliilay in ay wax ka qaban-waayeen cabasho tiro dhawr jeer uu la waddaagy oo la xiriirtay in ciidamada la geeyo deegaanada xeebaha ah ee ku teedsan Bandar-Bayla si wax looga qabto xaalada adag ee taagan.

    Ugu dambeeyntii, Guddoomiyaha Degmada Bandar-beyla ayaa sheegay in kaluumaystadii Maxaligga ahayd ay suuqla’aan heshay, Sidoo kalena ay cabsi darteed baddii ka kaluumaysan waayee. Ugu danbayn waxa uu dawlada ugu baaqaay in aan la daawan khayraadkii dalka oo la dabar-jarayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.