Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garaad Kulmiye oo lagu soo dhaweeyay Garoowe (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Garaad Kulmiye oo lagu soo dhaweeyay Garoowe (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Xildhibaano, Wasiiro & Isimada reer Puntland ayaa Dooxada Bixin ku soo dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal oo ka mid ah waxgaradka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

    Waftigan oo uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal ayaa u yimid deegaanada Puntland dhamaystirka heshiiskii la dhex-dhigay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

    https://www.facebook.com/HouseofRepsPL/videos/607011863394706/

    Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ka hadlay soo dhaweynta Garaad Kulmiye, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshihiisa Caasimadda Puntland iyo Guud ahaan degaanka.

    Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal, ayaa u mahad-celiyay Masuuliyiinta Dowladda, Isimada iyo shacabka soo dhaweeyay, isagoona sheegay inay muujinayso walaalnimada iyo darisnimada ka dhexeysa Dadka iyo Degaanka.

    Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa qaabilay Waftiga Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.