Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran oo dishay ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’
    Somalia

    Iran oo dishay ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020Updated:January 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysan jiray, kaas oo lagu naanayso ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’ sidoo kalena ay halkaas ku baabi’isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.

    Ninkan loogu magac daray ‘Yaxaaska’ ayaa waxaa la qabtay isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marsiinayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sidaas u sheegay warbaahinta gudaha ee dalka Iran.

    36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgallo sirdoon oo lagu baadi goobayo. Waxayna Iiraan sanadwalba khaarijisaa boqollaal maxbuus.

    Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in dalkaas 2018-kii lagu dilay ugu yaraan 253 qof. Taas waxa ay ka dhigan tahay in dilku uu hoos u dhacay 50% markii la fiiriyo tirada la dilay sanadkii kaas ka horreeyay oo aheyd 507, waxaana sababta lagu sheegay in isbadelka lagu sameeyay shuruucda adag ee u deggan ka hortagga maandooriyaha.

    Hasa yeeshee maandooriyaha heer caalami ayaa weli waxa uu sababi karaa in qofkii lagu qabtaa la dilo.

    “Ninkan lagu naanayso ‘Yaxaaska’ waxa uu ku howlgalayay magacyo iyo qaabab kala duwan” ayuu dacwad oogaha gobolka Hormozgan, Cali Saalixi u sheegay wakaaladda wararka ee ISNA.

    “Waxa uu hoggaamiyay mid ka mid ah shabakadaha ganacsiga maandooriyaha ee ugu halista badan ee ka jira Iiraan iyo gobolkaba. Xubnaha kale ee burcadda ayaa waxaa lagu xukumay xabsi gaaraya ilaa shan sanadood iyo ganaax culus, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.