Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya: Golaha Arrimaha Islaamka oo sharci ogolaansho ah la siiyey 60-sano kadib
    Somalia

    Itoobiya: Golaha Arrimaha Islaamka oo sharci ogolaansho ah la siiyey 60-sano kadib

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

    Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi.

    Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ka jawaabay dalabkii ay bulshada muslimiinta Ethiopia usoo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in muslimiintu ay baahi u qabaan inay yeeshaan Gole si sharci ah dawladdu u aqoonsan tahay si loogu sameeyo machad diimeed soo abaabula arrrimaha islaamka isla markaana fuliya shuruucda bulshooyinka islaamka ah ee Ethiopia, isla markaana dammaanad qaadaya xuquuqdooda bulsho ahaaneed iyo inay xiriir toos ah la yeeshaan hay’adaha diimeed  iyo bulshooyinka kale ee dalka Ethiopia.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.