Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta in gacanteeda lagu soo celiyo Hawada Dalka
    Somalia

    Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta in gacanteeda lagu soo celiyo Hawada Dalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2017Updated:February 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Cali Axmed Jaamac “Jangali” ayaa xarunta ICAO ee Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria   waxayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya.

    Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdishu, ayadoo marka la dhameystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici doonin xiriir xumo, waayo qalabka cusub ee laga dalbay  Shirkad Talyaani ah ayaa ka dhigaya Soomaaliya  inay yeelato VHF Coverage si Somaliya ula mid noqonayso dhamaan dawladaha deriska ah.

    Waxay isla qaateen Wasiir Jangali iyo Guddoomiye Dr Aliu  in qalabkaani uu dabooli doono baahida xoojinta xiriirka hawada ee maamulka hawada Soomalia korna uu u qaadaysa shaqada loo qabto diyaaradaha dulmara Soomalia, ayadoo nabdgalyadooduna ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale waxaa kordhi doono dhaqaalaha laga qaadi doono diyaaradaha isticmaala hawada Soomaliya.

    Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in la dardargalin doono kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo kuwa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdisho ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.

    Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan soona dhowaysay waqtigii hawada Somaliya laga hagi lahaa Soomaaliya. waxa wasiir Jangeli uga mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO (ICAO COUNCIL) iyo madaxda ICAO wada shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

    Ugu danbeyntii wuxuu Guddoomiye Dr. Aliu ballan qaaday inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya  Mudane Moxamed Cabdillahi “Farmaajo”  uu si dhakhsi ah warbixin uga siin doono arrintan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.