Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Puntland iyo dawlada Kenya oo heshiis kala saxiixday
    Somalia

    Dawlada Puntland iyo dawlada Kenya oo heshiis kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2017Updated:May 18, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Goleyaasha Dawladda ee Madaxtooyada Siyaad Xusseen Mursal, Guddoomiyaha Jamaacadda Puntland State University Maxamuud Shiikh Xaamud iyo saraakiil ka socota Xafiiska Xiriirka Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda (Puntland Capacity Injection Project-CIP) ayaa maalmahaan hawlo shaqo u jooga waddanka Kenya.
     
    Ujeedka safarka wafdiga Puntland ayaa salka ku haya sidii ay Dawladda Puntland heshiis iskaashi dhinaca tababaradda shaqalaha ah ula soo saxiixato Dawladda Kenya gaar ahaan Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya (Kenya School of Government).
     
    Heeshiiskan ayaa shaqaalaha Dawladda Puntland u ah fursad ay kor ugu qaadaan aqoontooda, gaar ahaan waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii maamulka sare ee hay’adaha dawladda oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha hay’adaha madaxa bannaana, agaasimayaasha guud, agaasime waxeedyada iyo madaxda kale ee Dawladda ay u heli lahaayeen fursad ay aqoontooda iyo xirfadooddaba ay kor u qaadaan (Executive Leadership Training).
     
    Waftiga ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya waxayna kawada hadleen sidii loo tayayn lahaa korna loogu qaadilahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dawladda Puntland, sidoo kalena loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Kenya.
     
    Madaxa Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Kenya Dr. Ludeki Chweya ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey wafdiga Puntland waxana uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay shaqaalaha Puntland ka caawiyaan dhinacyada tababarrada iyo tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha.
     
    Gebagebadii kulanka ayay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen iyadoona dhanka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle halka dhinaca Kenyana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee mac-hadka tababarka dalkaasi Dr. Ludeki Chweya.
     
    Ugu danbayntii, dhammaan heshiisyadani waxay gundhig u yihiin asaasidda Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Puntland oo ay ku hawlantahay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Puntland.
     
    —Dhammaad—
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.