Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray kulankii Madaxda Somalia, Ethopia & Eritrea
    Somalia

    Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray kulankii Madaxda Somalia, Ethopia & Eritrea

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020.

    Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.

    Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda.

    Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah.

    Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

    Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman.

    Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.

    Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.