Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xil Fiqi: Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada Janan loogu marmarsoonayo in la khaarajiyo ?
    Somalia

    Xil Fiqi: Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada Janan loogu marmarsoonayo in la khaarajiyo ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabkaayaa Saddex Su’aalood ka keeney Warka kasoo yeeray Booliska Soomaaliya ee ahaa in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan Cabdi Nuur(janan).

    Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu ku heegay in markii hore dowladda soo afduubatey Wasiirka,sidoo kalena aan la ogeyn halka uu ku xirnaa,waxaana uu shaki geliyey in uu nool yahay Cabdi Rahiid Janan.
    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

    Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

    1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

    2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo
    Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

    3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

    Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.