Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada dadka u geeriyooday cudurka ka dilaacay shiinaha oo kordhay (VIDEO)
    Somalia

    Tirada dadka u geeriyooday cudurka ka dilaacay shiinaha oo kordhay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa sheegay in dad gaaraya 106 qof ay u dhinteen caabuqa corona, halka afar kun oo kalena uu haleelay xanuunka.

    Dadka cudurka u dhintay ayaa waxaa kamid ah dhakhaatiir ku hawlanaa daweynta iyo kahortagga cudurka, waxaana dowladda ay sheegtay in nus milyan shaqaale caafimaad ah ay ka qeyb qaadanayaan dedaalada ku aadan caabuqa corona.

    Dowladda Shiinaha ayaa sii xoojisay xayiraad dhanka socdaalka, si looga hortago faafidda cudurka.

    Magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay caabuqan ayaa haatan go’donsan, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaaladaas.

    Waxaa sidoo kale sare u kacay dadka ku nool dalalka kale ee caalamka ee uu haleelay caabuqan, oo waxaa kiisas cusub laga soo sheegay dalalka Singapore iyo Jarmalka.

    Guud ahaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Shiinaha, waxaa la hakiyay gaadiidka dadweynaha, waxaana cudurkan uu dilaacay xilli dalka Shiinaha looga diyaar garoobayay dabaaldegga sanadka cusub, xilliyadaas oo dad badan ay aad u safraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.