Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo ka jawaabtay Eedaynta Dowlada Somaliya
    Somalia

    Kenya oo ka jawaabtay Eedaynta Dowlada Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 9, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Kenya ayaa markii Ugu horeysay jawaab ka bixisay warkii kasoo Yeeray Hay’adaha amaanka dowlada iyo Amnesty international kaas oo ah in Dowlada Soomaaliya loo gacan galiyo CabdiRashiid Janan.

    Wargeys Daily Nation ayaa qoray in Xiriirka labada dowladood oo kol horaba aan aad u Wanaagsaneyn Marka kale uu Xumaanayo Kadib markii Kenya uu tagay Janan oo Dowlada Soomaaliya Baxsad Ka ah.

    Laamaha amaanka Kenya ayaa Wargeyska u sheegay in Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu kasoo galay Mandeera Dhinaca  Buulo Xaawo  Halkaas oo uu Qaxooti ahaan Kenya kasoo Galay Wasiirka Kol Hore.

    Hada ayaa la tilmaamay in uu degan yahay hotel ku yaal Mandheera oo Hay’adaha Kenya ay la wareegeen Amaankiisa.

    Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau Ayaa wargeyska Nation u sheegay in Ciidamada Kenya oo Kaliya hada ay arintani ka Falcelin karaan Balse Meesha waxaa uu ka saaray in Xukuumadda Ay awoodo Go’aaminta Xaaladda Janan.

    “Arrintani gacanteenna kuma jirto, Waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin ,Waana ciidamada amniga”.sidaas ayuu sheegay Kamau.

    Hadalkani ayaa kusoo aadaya iyadoo Dowlada Soomaaliya waraaq ay soo saartay maalinkii arbacada ugu digtay Dowlada Kenya in ay Faragalin ku sameyso Amniga iyo siyaasadda Gudaha dalka.

    Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa hada ku sugan Qaybo kamid ah Gobolka Gedo Tan iyo maalinkii uu baxsaday 28 January ee sanadan, Kaliya labo mar ayuu soo Muuqday.

    Shalay isaga oo wata tuutaha Ciidanka ayuu Janan Duleedka Balad Xaawo ee Dhanka Xaduuda waxaa uu kula Hadlay ciidamo ka tirsan Kuwa Daraawiishta Jubaland.

    Dowlada Soomaaliya ayaa waaran Caalami oo ay u dirtay Interpol ka codsatay in lagu Gacan siiyo Xariga Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo lagu soo oogay Dambiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

    Xigasho…Daily Nation.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.