Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dilay xubno sare oo Shabaab ah
    Somalia

    Maraykanka oo dilay xubno sare oo Shabaab ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayn dhacday 22-kii bishan Febraayo lagu dilay laba argagixiso ah, oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.

    Maraykanku waxay sheegeen in qofka labaad ee la dhintay ay ahayd xaaskiisa oo xubin ka ahayd Al-Shabaab.

    Waxa milatariga Marayanku sheegay in labada xubnood ay kala ahaayeen sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo mas’uul ka ahaa qorshaynta iyo diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka xuduudda la ah Kenya oo uu ku jiro weerarkii Manda Bay iyo xaaskiisa oo xubin ka ahayd isla markaana fududaysay ficillo argagixiso ah, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanku.

    Waxay sheegeen milatariga Marayanku in ilaa 5-tii Janaayo ay ku daba jireen kuwii weerarkaas mas’uulka ka ahaa.

    Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka hari doonin kuwa qaba dhiigga Maraykanka iyo kan ciidamada Afrika.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    October 29, 2025

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.