Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne xigeenkii Iran oo uu haleelay xanuunka Corona Virus
    Somalia

    Madaxweyne xigeenkii Iran oo uu haleelay xanuunka Corona Virus

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee arrimaha haweenka iyo qoyska Masoumeh Ebtekar, ayaa ka mid noqotay dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalkaas kusii faafaya, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka Iraj Harirchi.

    Kiiska Ebtekar ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, islamarkaana aan isbital loo dhigin.

    Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka ay gaareen 26 qof, taasi oo ah dhimashadii ugu badneyd ee laga diiwaan geliyo dal ka baxsan Shiinaha.

    Tirada guud ee dadka uu Iran ku saameeyey cudurka ayaa gaareysa 245 qof, oo ay ku jiraan 7 mas’uul oo sare.

    β€œ24-kii saac ee tagay waxaa la xaqiijiyey 106 kiis oo cusub, waxaana dhimshada ay gaartay 26 qof,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda caafimaadka Kianush Jahanpur, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

    Heerka dhimashada ee kiiska la xaqiijiyey ee fayruskan ayaa aad ugu sarreysa Iran marka loo barbar dhigo dalalka kale ee caalamka.

    Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegay in laga yaabo inay taas ugu wacan tahay in qalabka tijaabada Iran uusan qabaneyn dadka fayruska uu ku yar yahay.

    Dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay Coronavirus ayaa dalka Iran waxaa la shaaciyey kaliya toddobaadkii tagay.

    Dillaaca cudurkan ayaa sababay in mas’uuliyiinta ay baajiyaan salaaddii Jimcaha ee dhowr magaalo oo ay ku jirto Tehran, sida uu sheegay taleefishinka dowladda.

    Wakaaladda wararka dowladda ee IRNA ayaa sidoo kale werisay in Iran laga mamnuucay inay soo galaan muwaadiniinta Shiinaha.

    Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Kianush Jahanpur, ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan safarada aan lagama maarmaanka ahayn ee dalka gudihiisa ah.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.