Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maalinta Haweenka oo si weyn looga xusay Puntland
    Somalia

    Maalinta Haweenka oo si weyn looga xusay Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 8, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka.

    Maarso 08, 2020 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabada maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

    Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

    “Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday…Waxan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariyaan. Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan. Waxaad ogtihiin Caa’isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq maasuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay, indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo” Madaxwayne Siciid Cabdilahi Deni ayaa sidaas yiri

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.