Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Talo ku socota Shirka Aayo-ka talinta Puntland!!
    Somalia

    Talo ku socota Shirka Aayo-ka talinta Puntland!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka wadatashiga Puntland ee ka qabsoomi doona 15.3.2020 caasimada Dowlada Puntland ee Garowe waa mid loo han weyn yahay.

    Shirkaas,ayaa kusoo beegmaya xili xasaasi ah oo ay Dowladda Federaalka Somaliya kala guur doorasho wajaheyso, islamarkaasna uu uu hooseeyo xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland ee xubinta ka ah.

    Markii uu ku dhawaaqday shirka wadatashiga ee masiiriga ah Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid C/laahi Deni,waxaa ku dhawaaqistaas uriyaaqay shacabka Puntland gudo iyo dibedba iyagoo dareensan faragelinta khaldan ay Dowlada Federaalka ku hayso siyaasadda,wadajirka iyo horumarka Puntland.

    Waxaa si lamid ah usoo dhaweeyay shacabka Somaliyed ee ku dhaqan Gobolada kala duwan ee Soomaaliya oo ay dhibaataysay siyaasadda kala qeybinta iyo colaada ku dhisan ee ay kula dhaqantay Dowlada Federaalka.

    Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiinta Somaliya intooda badan oo ay ugu horeeyaan madaxdii hore oo ay ka mid yihiin labadii Madaxweyne ee ka horeeyay madexwaynaha talada hada haya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Axmed.

    Hadaba shirkaas lawada sugayo loona han weyn yahay,waa shir siyaasadeed, waxaana lagaga doodaayaa xaalada Puntland maanta mareyso iyo waxqabadkeeeda 22-kii sano ee ay soo jirtay.

    Arrimaha ugu waa weyn ee shirkaas lagu gorfayn doono,waxaa laga xusi karaa?

    B.Amniga,
    T.Dhaqaalaha.
    J Siyaasada
    X. Horumarinta
    KH.Kaabayaasha dhaqaalaha.

    Shirkaas maaha mid dhaqanku door ku leeyahay,maadaama waxaa laga hadlayo ay yihiin arimaha siyaasada (Political issues), sidaas awgeed waa shir siyaasi maaha shir dhaqan, dabcan dhaqanka ixtiraam waa ku leeyahay,laakiin waa shir lagaga hadlayo Puntland maxey qabsatay, maxey ka dib dhacday.

    Ugu danbayntii waxaan baaq codsi ah udiraynaa Isimada Puntland oo aan ku leenahay gadaal uga daga shirka culaysna ha noqonina fursad hala siiyo hogaamiyayaasha Siyaasada,dhanka kale idinkoo taladiina ku kabaya.

    Qurba joogta Puntland ee Denmark iyo Finland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.