Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo iyo Khayre taariikh madow ayay u horseedeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed!
    Somalia

    Farmaajo iyo Khayre taariikh madow ayay u horseedeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay, kana laabatay qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ay horay u taageertay, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil. Go’aanka dowlada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed cadaadis ku saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in dowlada Soomaaliya ka laabato qaraarkaas!

    Waxaa xusid mudan in dowlada Qatar oo xiriir aad xun kala dhaxeeyo Masar ay taageertay qaraarka Jaamacada Carabta, ayna lama filan tahay in DFS buriso mowqifkeedii hore ee ay ku taageertay qaraarka Jaamacada Carabta. Annagoo wada xusuusanna in dowladda Soomaaliya ay la safatay Masar markii Wadamada Carbeed badankood xiriirka u gooyeen, kadib heshiiskii Camp David ee ay la gashay Israa’il 1978.

    Soomaaliya waa dal madaxbanaan, go’aankan fulaynimada ah ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu qaateena wuxuu meel ka dhac ku yahay sharafta, karaamada iyo madaxbanaanida Soomaaliya iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Masar abaal aan la soo koobi karin ayay Soomaaliya ku leedahay. Halyeeyo Masaari ah ayaana naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, baal dahab ahna uga qoran taariikhda Soomaaliya.

    Sidoo kale Masar waxay door muhiim ah ku lahayd in Soomaaliya laga difaaco dagaalkii Itoobiya ku soo qaaday sanadkii 1964kii, hubkii ciidamada qalabka sida xilligaas ku dagaal galeena waxa laga keenay Masar ka hor intaan Ruushka iyo Jarmalka hub laga helin. Sidaas daraadeed nagama mudna walaalaheen inaan maanta ugu abaal gudno inaan Itoobiya kala jirsano.

    Waxaa qoray : Hon. Mahad Salad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.