Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deyn cafinta maxaa ka run ah?
    Somalia

    Deyn cafinta maxaa ka run ah?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jaran jarooyin dhowr ah ayey martaa deyn cafintu mana ahan sida loo dhigayo in ay u sahlan tahay.

    Waxa hadda Soomaaliya, laga cafinayo maahan deyntii rasmiga ahayd oo dhowr iyo toban dal ku leeyihiin. Waxa la fududeynayo waa ‘‘arrears clearance’’ oo ah dulsaarkii iyo khidmadii fuushay deymihii Soomaaliya, la siiyey ilaa xorriyaddii.

    Wadiiqada lagu gaaro in dulsaarka ‘‘arrears clearance’’ lagaa fududeeyo, waxay International Monetary Fund iyo World Bank, ugu wacaan ‘‘decision point’’ oo ah in aad la timaado hufnaan maaliyadeed iyo koror dakhli gudaha ah si adi laftaadu isu bixiso.

    Si aad hufnaan maaliyadeed ula timaado waxaa lagugu tijaabin mashruuc yar sida ‘‘Staff–Monitored Program’’ oo Soomaaliya, hadda lagu tijaabshay. Waa tijaabo yar oo lix (6) bilood ah.

    Kadib waxaa loo gudbin tijaabo kale oo ugu yaraan qaadan karta saddex (3) sano ama ka badan, hadba kartidaada iyo dadaalka aad la timaado ayey ku xiran tahay.

    Tijaabadaan danbe waxaa la dhahaa ‘‘completion point’’, ama afkeena haddii aan ku suureeyo ‘‘ka buldheh.’’

    Waxa aad bul ka oran wixii lagugu xiray oo dhan in aad kasoo baxdo.

    Dalalka tabartooda dhaqaale yar tahay oo dhan,ayaa wadiiqadaan dambe mara, waxa loo aqoon og yahay jaran jartaan, ‘‘Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC)’’.

    Labadaas tijaabo oo midi tahay tabartaa tilaabso (decision point), midna ka buldheh (completion point), marka aad soo marto ayaa horta deynta lagaa cafin.

    Soomaaliya, weli cidi deyn kama cafin, mana dhawa howshu. Tusaale mashruuca yar ee ‘‘Staff–Monitored Program’’, oo ahayd in uu lix bilood oo keliya qaato, Soomaaliya shan (5) sano ayey ku qaadatay in ay kasoo dhalaasho. July 2015, ayaa ‘‘Staff–Monitored Program’’, soo bilowday.

    Tusaale kale, Dowladda Chad, ee bartamaha Afrika, ku taal May 2001 ayey buuxisay tabartaa tilaabso (decision point), in ay ka buldhahdo oo ‘‘completion point’’, gaarto waxay ku qaadatay afar iyo toban (14) sano.

    April 27, 2015 ayaa Chad, loo sheegay in ay buuxisay shardiyadii laga rabay.

    Wasiir Abdirahman Dualeh Beileh, asaga oo aan cidna indho sarcaadin ayuu dadkiisa runta la wadaagi karaa, sida dhabta ah ee wax u socdaana u sharixi karaa. Hayeeshee, waxuu ka door biday in uu dadka Soomaaliyeed, madaxa darbi u saaro.

    Ma jiro ayaan filayaa qof Soomaali ah, oo aan ku farxayn in deynta dalkeena laga cafiyo, weliba si kalsooni leh ayaa qofkasta ugu riyaaqi, haddii aan la hoosaasin dadka.

    Deyn cafintu mashruuc doorasho lagu galo ama dadka lagu indho sarcaadiyo ma noqon karto.

    Xigasho:Elias

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.